Kusimaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne ku xigeenka Dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash) ayaa ka tacsiyeeyay Geerida S/Guuto Salaad Maxamuud Ciise (Dhega-dheere) oo Saaka ku geeriyooday Garoowe.
Qoraal ka soo baxay Xafiiska Kusimaha Madaxweynaha Puntland ayaa looga tacsiyeeyay Geerida Marxuumka oo ka tirsanaa Saraakiisha Hoggaanada Taliska Guud ee Ciidamada Difaaca Dowladda Puntland.
“Alle naxariistii jano haka waraabiyo S/Guuto Salaad Maxamuud Ciise (Dhega-dheere) Hogaankii gaadiidka ee Ciidamada Daraawiishta Puntland oo saaka ku geeriyooday Garoowe.Waan uga tacsiyeynayaa Qoyskii oo uu ugu horeeyo Jaamac Dhega-dheere, Eheladii, Asxaabtii,Ciidamada Difaaca Puntland,Shacacbka reer Puntland iyo kan Soomaaliyeedba.”
Madaxweyne ku xigeenka ayaa sidoo kale sheegay in Marxuum Salaad Dhega-dheere uu qayb-wayn ka qaatay dhismaha ciidamada Daraawiishta Puntland.
PUNTLAND POST