Xaruntii degmada Garbahaarrey oo xoog lagu qabsaday iyo xiisad ka taagan

Wararka ka imaanaya magaalada Garbahaarrey ee xarunta Gobolka Gedo ayaa sheegaya in halkaas laga dareemayo xiisad dagaal kadib markii xoog lagu qabsaday xaruntii maamulka degmadaas.

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Gedo Cismaan Nuur Xaaji (Macalimu) iyo ciidamo uu wato ayaa xoog ku qabsaday xaruntii maamulka degmada sida ay xaqiijiyeen goob-joogayaal.

Tallaabadaas ayaa sida la sheegayo waxa ka dhashay xiisad dagaal iyadoo qaar kamid ah odayaasha dhaqanka degmadaas laga soo xigtay in ay wada-hadal ugu tagayaan mas’uulka xoogga ku qabsaday xarunta.

PUNTLAND POST