Wasiir ka tirsan xukuumadda Puntland oo shaqada laga joojiyay

Ku simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan  ayaa maanta shaqada ka joojiyay Wasiirka Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah Cabdiqafaar Cilmi Xaange.

Wasiir Cabdiqafaar Xaange ayaa maanta ka maqnaa Shirkii Golaha Wasiirada Puntland oo uu shir-guddoomiyay Ku simaha Madaxweynaha Axmed Cilmi Cismaan ( Axmed Karaash).

Dad kala duwan oo lagu kalsoonyahay ayaa Puntland Post u xaqiijiyay in Madaxweyne ku xigeenku si rasmiya shaqada uga joojiyay wasiir Xaange kadib markii khilaaf soo kala dhex galay labada mas’uul.

PUNTLAND POST