Waxa fashil ku dhammaaday waan-waan saacadihii la soo dhaafay xildhibaanno ka tirsan Galmudug ka dhex wadeen xukuumadda Galmudug iyo Culimada Ahlusunna.
Warar lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in waan-waantu fashilantay kadib markii xukuumadda Galmudug shardi ka dhigtay in marka hore xoogagga Ahlusunna laga saaro magaalada Guriceel kadibna wada-hadalka la bilaabo.
Xildhibaanno ku hawllanaa waan-waantaas ayaa laga soo xigtay in ay dadaal badan ku bixiyeen sidii loo xallin lahaa xiisadda balse gebi ahaanba lagu fashilmay dhex-dhexaadintii socotay .
Labada dhinac ee Galmudug iyo Ahlusunna ayaa maalmihii u dambeeyay ku jiray abaabul ciidan iyo hub urursi iyadoo mar kasta laga cabsi qabo in dagaal ka dhex qarxo.
PUNTLAND POST