Taliy ku xigeenkii hore ee hay’adda Sirdoonka dowladda Federaalka ee NISA Gen. Cabdalla Cabdalla ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo iyo Fahad Yaasiin ay mas’uul ka yihiin khilaafka iyo xiisadda u dhexaysa Galmudug iyo Ahlsunna.
Gen. Cabdalla ayaa sheegay in Fahad iyo Farmaajo hurinayaan xiisadda colaadeed ee Galmudug ka aloosan si ay carqalad u geliyaan Arrimaha doorashooyinka Soomaaliya.
“Dagaalka Galmudug waa qorshe Fahad iyo Farmaajo ay ku doonayaan inay doorashooyinka ku carqaladeeyaan” ayuu yiri Cabdalla.
Sidoo kale, wuxu ku baaqay in xoogagga Ahlusunna laga daayo hor istaagga islamarkaana loo fasaxo in ay Al-shabaab ka saaraan dhulka Galmudug.
“ASWJ waxay u socdaan inay Al-Shabaab la dagaalamaan ee haloo fasaxo, doorashooyinkana ha socdaan.”
PUNTLAND POST