Xildhibaano ku dhaawacmay qarax ka dhacay magaalada Jowhar

Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ayaa sheegaya in xalay halkaas uu ka dhacay qarax lala eegtay mas’uuliyiin ka tirsan Hirshabeelle.

Laba xildhibaan oo ka tirsan Baarlamanka Hirshabeelle ayaaa ku dhaawacmay qaraxaas sida laga soo xigtay goob-joogayaal.

Cabdiraxmaan Xildhibaan Iidow iyo Xil. Maxamed dheere ayaa loo qaaday isbitaalka guud ee magaalada Jowhar si loola tacaalo dhaawacyada gaaray.

Weli ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxaas inkastoo Al-shabaab looga bartay in ay sheegtaan qaraxyada ka dhaca halkaas.

PUNTLAND POST