Shirka Amniga Puntland oo Garoowe lagu qabtay

Ku simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland, Axmed Cilmi Cismaan ayaa maanta shir-guddoomiyay Shirka Guddiga Amniga Puntland.

Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa warbixin ka dhegaystay Guddiga Amniga, waxaana Shirka looga hadlay amniga guud ee Puntland, shaqooyinka amniga ee socda iyo hirgelinta Qorsheyaasha amniga lagu horumarinayo.

Shirka waxa ka qayb-galay Wasiirka Amniga Cabdisamad Maxamed Gallan iyo  Taliyaasha kala duwan ee Ciidamada Booliiska Sarreeye Guuto Cabdi Xasan Xuseen, Daraawiishta, Sarreeye Gaas Yaasiin Cumar Dheere iyo Madaxtooyada G/sare Cabdulqaadir Jaamac Dirir.

Sidoo kale, Shirka waxa ka qayb-galay Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Nugaal, Maxamuud Xasan Maxamed (Cawil Mataan) iyo Duqa Garoowe Axmed Siciid Muuse (Axmed Barre) iyo sidoo kale Guddiga ka tala-bixinta Amniga magaalooyinka Puntland gaar ahaanna Caasimadda Garoowe.

PUNTLAND POST