Laascaanood (Wararka PP) — Odayaal ka hor yimid falkii maamulka Somaliland iyo maliishiyadiisu Laascaanood kaga barakiciyeen dad Soomaaliyeed oo ka soo jeeda Koonfurta ayaa sheegay in ay maamulka Koonfur Galbeed u gudbin doonaan galka magacyada rag taageeray barakicinta iyo kuwo ka tirsan maamulka gobolka iyo degmada.
Wariye madaxbannaan ayaa wada aqoonsaday rag sheegtay inay magaca magaalada ku hadlayaan iyagoo taageeray dambigii laga galay dadkii magaalada uu maamulka Somaliland ka barakiciyay.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa ka dalbaday dowladda Somaliland inay fasiraad ka bixiso go’aankii dad gaaraya 2000 oo qof lagaga soo barakiciyay Laascaanood.
Maamulka Somaliland, oo shalay warqad soo saaray, ayaa dadka uu barakiciyay ku tilmaamay “dad sharci-darro ku deggenaa Laascaanood.”
© Puntland Post, 2021
You must be logged in to post a comment.