Xiisadda colaadeed ee u dhexaysa Galmudug iyo Ahlusunna ayaa cirka isu shareertay iyadoo aysan jirin wax waan-waan ah oo laga dhex wado.
Wararka ayaa sheegaya in Labada dhinac ay ku jiraan abaabul ciidan iyo hub urursi tan iyo markii ay hadalo kulul hawada isu mariyeen mas’uuliyiin ka tirsan labada dhinac.
Hoggaanka Culimada Ahlusunna ayaa sheegay in aysan wax dhib ah ku wadin Galmudug islamarkaana hub urursigoodu la xiriiro dagaalka Al-shabaab.
Waxa xusid mudan in labadii todobaad ee u dambeeyay Ahlusunna qabsatay magaalooyin ka tirsan Hiiraan iyo Galgaduud.
PUNTLAND POST