Puntland oo dil toogasho ah ku fulinaysa shabakad ka tirsan Al-shabaab

Maxkamadda sare ee Ciidamada Qalabka sida ee dowladda Puntland, ayaa xukun kama dambays ah ku ridday shabakad ka kooban sideed xubnood oo lagu helay Shabaabnimo.

Maxkamadda ayaa dhammaan Raggaas ku xukuntay dil toogasho ah, islamarkaana ka diiday Rafcaan ay ka qaateen xukunkii hore kadib markii sida Maxkamaddu sheegtay ay ku caddaatay in ay ka tirsan yihiin Al-shabaab.

Xubnahan ayaa kala ah; Xasan Isaaq Maxamed, Axmed Cali Hilowle, Saddiiq Faarax Nuur Muudeey, Maxamed Sharafle Maxamuud, Maxamed Cabdullaahi Xuseen, Cabdulqaadir Cabdule Xasan, Liibaan Ciise Weheliye iyo Nuur Xuseen Cabdulqaadir.

Halkaan ka daawo Muuqaalka

PUNTLAND POST