Mas’uul ka tirsan urur siyaasadeedka Mustaqbal oo Garoowe lagu xiray

Guddoomiyaha Garabka dhalinyarada urur siyaasadeedka Mustaqbal, Axmed Saahid Qaasim Maxamed ayaa maanta lagu xiray magaalada Garoowe.

Axmed Saahid ayaa warbaahinta Puntland Post u sheegay in xariggiisu la xiriiro arrima siyaasadeed.

Mas’uulkan ayaa maalmo ka hor dowladda ku dhaliilay hadal uu ka jeediyay degmada Eyl ee Gobolka Nugaal, halkaas oo uu ka socday ololaha urur siyaasadeedka Mustaqbal.

Dhinaca kale, xoghayaha guud ee urur siyaasadeedka Mustaqbal Cabdifitaax Maxamed Sugulle ayaa sheegay in xarigga Axmed Saahid su’aal gelinayo xorriyadda hadalka ee urur siyaasadeedyada.

PUNTLAND POST