Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wefdi uu hoggaaminayo oo ka qayb galay Munaasabadda caleemo-saarka Xukuumadda Cusub ee Itoobiya ayaa Shacabka, Ra’iisul Wasaaraha iyo Xukuumadda cusub ee Dowladda Itoobiya ugu hambalyeeyey Doorashooyinkii guulaystay ee ka dhacay Dalkooda.
Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyey Munaaasabadda Caleemo-saarka ayaa soo bandhigay muhiimadda ay leedahay in Dalalka Gobolku ay xoojiyaan iskaashiga, wax-wadaqabsiga, Nabad gelyada, ganacsiga iyo xal u helidda masiibooyinka dabiiciga ah, isaga oo Xukuumadda Cusub u rajeeyey in ay ka dhabeyso himilada iyo filashooyinka dadkooda.
“Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed waxay u hambalyeynayaan Ra’iisal Wasaare Abiy Axmed guushii baaxadda lahayd ee uu ka gaaray doorashada, waxaanna u rajaynaynaa Ra’iisul Wasaaraha iyo Xukuumaddiisu in ay horumar gaarsiiyaan shacabkooda iyo dowladdooda.”
Madaxweyne Farmaajo ayaa shacabka iyo dowladda Itoobiya uga mahad celiyey soo dhoweynta diirran ee ay u sameeyeen isaga iyo wefdigiisa, taas oo ka tarjumaysa xiriirka saaxiibtinnimo ee ka dhexeeya Labada Dal.





PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.