
Mas’uuliyiinta urur siyaasadeedyada Mideeye iyo Sinnaan iyo Caddaalad ayaa kulan gaar ah ku yeeshay magaalada Qardho ee xarunta Gobolka Karkaar.
Guddoomiyaha Sinnaan iyo Caddaalad Eng Maxamuud Khaliif Xasan Jebiye iyo Gen. Asad Cismaan Diyaano oo kamid ah urur siyaasadeedka Mideeye ayaa kamid ahaa madaxdii ka qayb-galay kulankaas.
Arrintan ayaa qayb ka ah ololaha doorashada hordhaca ah ee laga qabanayo saddexda degmo ee Qardho, Eyl iyo Ufayn.
Doorashooyinkan hordhaca ah ee dowladaha hoose ayaa ku salaysan hannaanka xisbiyada badan ee qof iyo cod oo uu horay u ballan-qaaday madaxweyne Deni in uu Puntland ka hirgelinayo.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.