
Booliiska caasimadda Garoowe ayaa soo bandhigay khamri iyo gaarigii siday oo xalay lagu qabtay saldhiga galbeed ee magaalada.
Taliye ku xigeenka saldhiga galbeed Xiddigle Cabdullaahi Cali Wadaad (Qoob) oo hadal kooban warbaahinta siiyay ayaa sheegay in dhalooyinkaas khamriga ah iyo gaarigiis sidayba loo gudbin doono sharciga.
Xiddigle Qoob ayaa sidoo kale sheegay in ay baxsadeen laba nin oo saarnaa gaariga khamriga siday islamarkaana weli Booliisku ku raad-joogaan.
Halkaan ka daawo muuqaalka
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.