
Muqdisho (Wararka PP) — Markii ugu horreysay Facebook, Whatsapp iyo Instagram ayaa isku mar hawada ka baxay.
Shirkadda Facebook ayaa sheegtay in ay og tahay cilladda balse aysan garanaynin sababta shebekaduhu hawada uga maqan yihiin.
Dadka adeegsada shebekada Facebook iyo Instagram iyo farriin-sidaha Whatsapp ayaa ka cabanaya adeegsan waaga adeegyada.
Dad badan oo Soomaaliya ku nool ayaa ku wada xiriiray Twitter iyagoo iska waraysanaya sababta shebekaduhu hawada uga maqan yihiin.
© Puntland Post, 2021
You must be logged in to post a comment.