Xoogagga Ahlusunna oo dhaq dhaqaaq ciidan ka wada nawaaxiga Dhuusamareeb

Xoogagga Ahlusunna Wal-jamaaca ayaa saaka oo Axad ah dhaq dhaqaaq ciidan ka wada degaanno dhanka waqooyi ka xiga magaalada Dhuusamareeb.

Ciidamada Ahlusunna oo ku gaashaaman gaadiidka dagaalka ayaa sida wararku sheegayaan ku fidsan tuulooyin kaabiga ku haya Dhuusamareeb.

Ahlusunna ayaa weli fadhiya degaanka Boqol oo ka tirsan degmada Dhuusamareeb halkaas oo Khamiistii hore dagaal culus ku dhexmaray iyaga iyo Galmudug.

Ahlusunna ayaa la sheegay in ay maalmihii u dambeeyay ciidamo badan qorteen xilli ay taagantahay xiisadda labada dhinac ee Galmudug iyo Ahlusunna.

PUNTLAND POST