Ra’iisul wasaare Rooble oo cambaareeyay Raafkii Somaliland ka samaysay Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa war ka soo saaray raafka Somaliland ku samaysay dadka ka soo jeeda Koonfurta Soomaaliya ee ku noolaa degmada Laascaanood.

Ra’iisul wasaare Rooble ayaa nasiib darro ku tilmaamay tallaabadii dad Soomaaliyeed si qasab ah looga soo masaafuriyay degmada Laascaanood, falkaas oo uu ku tilmaamay mid aad looga xumaado.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa bulshada Laascaanood ugu baaqay in ay ka dhiidhiyaan falkaasmuwaadiniin Soomaaliyeed looga saaray dhul Soomaaliyeed tallaabadaas oo uu ku tilmaamay mid ceeb ah.

PUNTLAND POST