Ra’iisul wasaare Rooble iyo wefdi uu hoggaaminayo oo u ambabaxay Baraawe

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhowayd u ambabaxay magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeellada hoose.

Sidoo kale waxa magaalada Baraawe gaaray madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Lafta Gareen oo ay weheliyaan mas’uuliyiin ka tirsan maamulkiisa.

Garoonka Diyaaradaha Baraawe wefdiga madaxweynaha waxaa kuso dhoweyey gudoomiyaha Baarlamaanka,Xubno ka tirsan gollaha Wasiirada, maamulka degmada iyo dadweyne kala duwan.

Magaalada Baraawe ayaa kamid ah goobaha loo asteeyay in ay ka dhacdo doorashada Aqalka hoose ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya.

PUNTLAND POST