Isu ekaanshiyaha, Barakicintii reer Falastiin iyo tan reer Sool iyo Sanaag

W/Q: Cabdullaahi Yuusuf Muuse (Qaylo)

abdalle35@gmail.com

La iskama oran “Sooyaalku wuu soo noq-noqdaa”, qofkii taariikhda eegaa wuxuu ogaanayaa xaqiiqada oraahdan, waxaase laga yaabaa in ay kala duwanaadaan; dadka iyo deegaanka ay marba ka soo cusboonaato.

Waxaan isku dayaynaa, in aan qormadaan kooban diirradda ku saarno isu ekaanshiyaha ka dhexeeya heerarkii ay soo martay barakicintii Yuhuuddu u geysatay dadkii reer Falastiin, ee soo bilaabatay 1947dii iyo tan maantay haysata dadka deegaannada Sool iyo Sanaag ee iyaduna soo bilaabatay 1988dii.

Laga soo bilaabo go’aankii uu soo saaray Golaha Guud ee Qarammada Midoobay ee summaddiisu ahayd 181, ayna dabada ka riixaysay dowladda Ingiriiska, sheegayayna in Falastiin loo qaybiyo 3 qaybood oo kala ah:

  1. Dowlad Carbeed oo ay Falastiin leedahay;
  2. Dowlad Yuhuuddu leedahay;
  3. Iyo magaalada barakaysan ee Qudus oo hoos tagaysa beesha caalamka.

Go’aankaas ka dib, waxay bilaabeen xoogaggii Yuhuuddu iyagoo kaashanaya kuwa Ingiriiska, hawlgallo lagu deegaaneynayo dadkii yuhuudda ahaa ee lagu beerayay Falastiin. Hawlgalladaas waxaa barbar socday kuwo kale oo argagax iyo ciriiri lagu galinayay dadkii carbeed ee Falastiin, si ay uga qaxaan guryahooda ugana durkaan kolba meeshii Yuhuudda la soo dajiyo.

Markii ay Yuhuuddu dadkii reer Falastiin ka saartay guryahoodii, xoolahoodiina la wareegtay, ayay dhankii xoogga iyo awoodda raacisay dibloomaasiyad, waxayna hawlgalisay shaatigii dowladnimada, iyadoo bilowday curinta xeerar lagu cayrsanayo dadkii haray, hantidoodiina lagu bannaysanayo.

Waxa ka socda gobollada Sool iyo Sanaag, ma sidaas oo kalaa? Jawaabtu waa waxa aad aragto, ee ma ahan waxa aad maqasho.

Maalin walbaa waxaa nagu qarxaya miinooyinkii iyo dabinnadii uu noo aasay gumaystihii, gaar ahaan gumaystihii Ingiriis, markaan waa asagii oo sii dhigay shaxdii uu Soomaaliya ku kala jari lahaa, markii aad dhagaysato haddallada maamulka Soomaali waqooyi (Somaliland) ee ah: waxaanu soo xiraynaa xadkii Ingiriisku noo calaamadeeyey, waxaa ka helaysaa urtii iyo raadkii gumeystihii Ingiriiska.

Damacaas maamulka Somaliland ee gooni u goosadka ah, waxaa dhibbane u noqday dadka Soomaaliyeed ee daggan gobollada: Sool, Sanaag iyo galbeedka Togdheer. Maadaama aan dadkaas lagu karayn aragtida gooni u goosadka ah, waxa uu maamulkaas qaatay istiraatiijiyad ah; in uu barakiciyo, haddii ay ka soo hartona uu ciriiriyo kana durkiyo xudduuddaas uu sheeganayo, inta labadaas arrimood midkood suurtoobayona waxa uu maamulkaas qaatay in deegaannadaas ay aqlabiyadda ku yihiin lala dejiyo beesha dhexe ee iyadu badankood ku qanacsan aragtidaas, haddii aanba looga badan.

Sooyaalka dhow, dadka reer Sool soohdintoodu waxa ay ahayd magaalada Caynaba, oo ku dhawaad 120km u jirta magaalada Laascaanood, hadda Caynaba ka hadli mayno, daraawiishtii Sool iyo xogaggii soo riixayay waxa ay isla yaallaan Guumays oo 70km u jirta Laascaanood, iyadoo weliba labada reer guuraa meelo aad uga dhow isla yaallaan, hadda way soo dhaaftay “60 jirka Dhulbahante ee Caynaba jooga iyo 20 jirka Habar jeclo yaa u gar naqi doona”, markaan shaati maamul ayaa Sool badankiis lagu haystaa, qorshayaashana lagu fushadaa, iyadoo la adeegsanayo dad u dhashay Sool, sidaan oo kale ma dhicin dagaalkii SNM ku soo qaadday reer Sool, ayna doonaysay inay ku baahiso maamulkeeda iyadoo baaruud iyo qarax adeegsanaysa, balse hadda xaalku waa Gudinyahay ima goyseen haddii aanu gabalkay kugu jireen.

Dhanka kale, reer Sanaag, maantay soohdinta u dhexeysa iyaga iyo xoogagga riixayaa ma ahan Ceerigaabo-dii la wada dagganaa, waa la isla soo dhaafay, waa Yubbe iyo ka sokay, markaanna waa iyadoo shaar maamul la huwan yahay.

Sida aan kor ku soo sheegnay, haddii maamulka Yuhuuddu barakicintii ka dib, qorshihii labaad ka dhigtay, dhanka xeerarka iyo qaanuunka, maamulka Soomaaliland wuxuu isticmaalay qabiilka, wuxuu ka shaqaysiiyay oraahda ah “Udub baa la isku riixaa”, reer miyigii beesha dhexe ee uu u adeegsanayay fulinta istiraatiijiyadihiisa ayuu si dadban u ciidameeyey, wuxuu ka dhigay waxa casrigaan loo yaqaan ciidanka kaydka, wuxuu u joogteeyay garaamka raashinka, wuxuuna u far fiiqay in ay horey u socdaan, horseedna noqdaan.

Ugu dambeyntii, dhacdooyinka beryahaan ka soo cusboonaaday Laascaanood, raafka iyo qafaalka dadka soomaaliyeed, loogana golleeyahay; daminta iyo in biyo lagu shubo kacdoonka ay reer Laascaanood ka dhiidhiyeen dilka har iyo habeen loo geysanayo wax-garadkooda. Haddii ay ka aamusaan, waxay noqon doontaa “Doqonta usha agteeda ku dhufo, haddii ay garan weydona iyada ku dhufo”.


Cabdullaahi Yuusuf Muuse (Qaylo) waa Xildhibaan Golaha Wakiilada Puntland.