Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay waxa xalay dagaal ku dhexmaray Al-shabaab iyo ciidamada Koonfur Galbeed oo ay weheliyaan kuwa Federaalka.
Malayshiyaad ka tirsan Al-shabaab weerar culus ku qaaday bar kantarool oo ku taal gudaha Baydhabo halkaas oo dagaal ku dhexmaray labada dhinac.
Goob-joojayaal ayaa sheegay in saacado kooban hugunka rasaasta iyo hubka culus laga maqlay magaalada Baydhabo balse aan weli faahfaahin laga helin khasaaraha ka dhashay.
Dhinaca kale Saraakiisha ciidamada Koonfur Galbeed iyo kuwa Federaalka ayaa sheegay in ay iska caabiyeen weerarkaas.
PUNTLAND POST