Barakac xooggan ayaa ka bilowday magaalada Guriceel halkaas oo maalin ka hor la wareegeen Xoogagga Ahlusunna.
Dagaal u dhexeeya Ahlusunna iyo Galmudug ayaa laga cabsi qabaa in uu ka dhaco Guriceel kadib markii ay korortay xiisadda labada dhinac.
Ciidamada Ahlusunna ayaa maalmo kooban la wareegay magaalooyinka Matabaan, Guriceel iyo Ceeldheere oo ka kala tirsan Hiiraan iyo Galgaduud.
Sidoo kale waxay saaka dhaq dhaqaaq ciidan ka wadaan waqooyiga magaalada Dhuusamareeb sida laga soo xigtay dadka degaankaas.
PUNTLAND POST