Somaliland oo Laascaanood ka musaafurisay in ka badan 700 oo qof

Mas’uuliyiinta Somaliland ayaa maanta magaalada Laascaanood ka musaafuriyay in ka badan 700 boqol oo qof oo ka soo jeeda koonfurta Soomaaliya.

Dadkaan oo u badan haween iyo carruur ayaa xalay Booliiska Somaliland ka raafay xaafadaha kala duwan ee Laascaanood.

Dadkan waxa ku jira carruur yar yar oo ku dhashay gudaha Laascaanood sid ay sheegeen goob-joogayaal kala duwan.

Wararka ayaa sheegaya in dadka qaarkood jir-dil loo gaystay islamarkaana la weydiiyay su’aalo ku saabsan Al-shabaab ka hor inta aan la musaafurin.

PUNTLAND POST