Sheekh Shaakir Cali Xasan oo kamid ah hoggaanka sare ee Ahlusunna ayaa ka hadlay xiisadda dagaal ee u dhexaysa Culimada Ahlusunna iyo maamulka Galmudug.
Sheekh Shaakir oo wareysi siiyay BBC-da ayaa sheegay in Ahlusunna aysan wax dhibaato ah ku wadin dadka Reer Galmudug balse ay doonayaan oo keliya in Gobollada dhexe laga sifeeyo Al-shabaab.
Wadaadka ayaa ku eedeeyay maamulka Galmudug in aysan ka go’nayn la-dagaallanka Al-shabaab islamarkaana hubkii iyo gaadiidkii loogu tala-galay dagaalka Shabaab ay u weeciyeen dhinaca Ahlusunna.
Macallin Shaakir ayaa tilmaamay in gaadiidkii iyo hubkii Puntland ugu deeqday Galmudug si Al-shabaab loogu isticmaalo ay Galmudug u adeegsatay dagaalka Culimada Ahlusunna waljamaaca.
Halkaan ka daawo wareysiga oo dhan
PUNTLAND POST