Madaxweyne Deni oo xilkii ka qaaday guddoomiyaha gobolka Nugaal

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xilkii ka qaaday guddoomiyihii gobolka Nugaal Cawil Axmed Jabuuti, wuxuuna xilkaas u magacaabay Maxamuud Xassan Maxamed (Cawil Mataan).

Guddoomiyaha cusub ee gobolka Nugaal Cawil Mataan ayaa ah ganacsade muddooyinkii dambe ku maqnaa dalka dibadiisa.

Guddoomiyaha xilka laga qaaday Cawil Axmed Jabuuti ayaa muddooyinkii dambe ka maqnaa gobolka, wuxuuna jiray dalka Mareykanka oo uu markii hore ka yimid.

Xilka qaadista iyo magacaabista guddoomiyaha gobolka Nugaal ayaa timid, iyadoo maalmihii u dambeeyay magaalada Garowe ka dheceen falal lidi ku ah amniga.

PUNTLAND POST