
Hal qof oo rayid ah ayaa ku geeriyooday, mid kalena waa ku dhaawacmay, Rasaas uu xalay riday askari ka tirsan Booliiska magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari.
Taliska Qaybta Booliiska Gobolka Bari, ayaa qoraal ay soo saareen ku sheegay in Rasaasta uu ku dhintay marxuum, Ayaanle Jaamac Cumar, islamarkaana uu ku dhaawacmay Bishaaar Cali Cawad.
Taliska ayaa sheegay in xabsiga la dhigay askari ka tirsan Booliiska oo falkan gaystay, kaas oo baaritaan lagu samayn doono.
“Ciidanka Booliiska waxay qabteen askarigii falkaas geystay waxaana socoda baaritaanka dhacdadan” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Booliiska.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.