Deni iyo Abwaan oo todobaadkan u kala safraya Imaaraadka iyo Ingiriiska

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa lagu wadaa in uu todobaadkan safar ugu baxo magaalada Dubai ee waddanka Imaaraatiga Carbeed.

Dhinacyo kala duwan oo lagu kalsoonyahay ayaa Puntland Post u xaqiijiyay safarka madaxweyne Deni ku tegi doono dalka UAE.

Wararku waxay sheegayaan in safarkan la xiriiro arrimaha doorashooyinka Soomaaliya balse saraakiil ka tirsan madaxtooyada oo aan la xiriirnay ayaa ka gaabsaday in ay xog naga siiyaan safarkaas.

Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland Abwaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa isna la filayaa in uu Arbacada todobaadkan safar ugu baxo waddanka Ingiriiska.

PUNTLAND POST