Cutubyo ka tirsan Ciidanka Ahlusunna ayaa Galabta la wareegay magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud kadib markii ay halkaas isaga baxeen ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug.
Ciidamada Ahlusunna oo si nabdoon ula wareegay Guriceel ayaa hadda sugaya Amniga xarumaha dowladda iyo guud ahaan xaafadaha magaalada.
Sidoo kale Ciidamada Galmudug oo ay weheliyaan kuwa Federaalka iyo Ahlusunna ayaa isku horfadhiya degaanka Bohol ee duleedka magaalada Dhuusamareeb halkaas oo shalay dagaal culus ku dhexmaray.
Xiisadda u dhexaysa Galmudug iyo Ahlusunna ayaa sii xoogaysanaysa xilli saaka Hoggaamiyaha Ahlusunna iclaamiyay dagaal ka dhan ah Al-shabaab.