Ciidamada Ahlusunna oo kaabiga ku haya degmada Guriceel

Wararka ka imaanaya bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in cutubyo ka tirsan ciidamada Ahlusunna ay kaabiga ku hayaan degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud.

Ciidamada Ahlusunna oo saaka u ruqaansaday dhinaca Guriceel ayaa sida la sheegayo waxay hadda gaareen tuulada Good oo qiyaastii  15km dhanka waqooyi ka xigta degmada Guriceel.

Sidoo kale Ciidamada Galmudug iyo kuwa Ahlusunna ayaa weli isku hor- fadhiya degaanka Bohol ee duleedka magaalada Dhuusamareeb halkaas oo shalay dagaal culsu ku dhexmaray labada dhinac.

PUNTLAND POST