Sarkaal ka tirsan hay’adda PMPF oo lagu dilay magaalada Garoowe

Sarkaal ka tirsan hay’adda PMPF ee Puntland oo lagu magacaabi jiray Bootaan Maxamed Bootaan ayaa xalay lagu dilay duleedka caasimadda Garoowe.

Sarkaalkan ayaa lagu dilay tuulada Laanta Hawada oo dhanka bari ka xigta magaalada Garoowe sida ay xaqiijiyeen Qoyskiisa.

Dilka ayaa ka dhashay kadib markii muran dhex maray marxuumka iyo ninka dilka gaystay oo isna gacanta lagu dhigay.

Saraakiisha Booliiska Gobolka Nugaal oo Puntland Post isku dayday in ay arrintan wax ka weydiiso ayaan weli ka jawaabin taleefonnada.

Dhacdadan ayaa ku soo beegantay maalin kadib markii ilaalada madaxweyne Deni Garoowe ku dileen gabar dhalinyaro ah kadib markii ay rasaas huwiyeen gaarigii ay saarnayd.

PUNTLAND POST