
Nin hubaysan oo xalay duleedka caasimadda Garoowe ku dilay sarkaal rayid ah oo ka tirsan ciidanka PMPF ayaa gacanta lagu dhigay isagoo dhaawac qaba sida uu Puntland Post u xaqiijiyay Taliska Qaybta Booliiska Gobolka Nugaal G/sare Maxamed Aaden jaamac (Degelle).
G/sare Degelle ayaa sheegay in ninka dilka gaystay laga soo qabtay degaanka Budunbuto oo ka tirsan Gobolka Nugaal kadib markii uu halkaas u cararay.
Sarkaalka oo lagu magacaabi jiray Bootaan Axmed Bootaan ayaa xalay lagu dilay tuulada Laanta Hawada oo dhanka bari ka xigta magaalada Garoowe sida ay xaqiijiyeen Qoyskiisa.
Dhacdadan ayaa ku soo beegantay maalin kadib markii ilaalada madaxweyne Deni Garoowe ku dileen gabar dhalinyaro ahayd kadib markii ay rasaas huwiyeen gaarigii ay saarnayd.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.