Dagaal u dhexeeya Galmudug iyo Ahlusunna oo ka dhacay Galgaduud

Dagaal u dhaxeysa ciidamada Ahlu-Sunna Waljamaaca iyo kuwa maamulka Galmudug ayaa maanta ka dhacday degaanka Bohol oo waqooyi ka xigta magaalada Dhuusamareb ee gobolka Galgaduud.

Khasaare kala duwan ayaa ka dhashay dagaalka oo mudda saacado ah ka socday degaankaas inkastoo aan faahfaahin kale laga helin.

Arrintan ayaa imaneysa ayada oo warar ay sheegayaan in ciidamada Ahlu-Sunna ay toddobaadyadii tegay dib isugu urursanayeen deegaano ka mid ah gobolka Galgaduud.

Hoggaamiyayaasha Ahlu-Sunna Macallin Maxamuud iyo Sheekh Maxamed Shaakir ayaa toddobaad ka hor dib ugu laabtay gobolka kadib in ka badan sanad iyo bar oo ay ka maqanaayeen.

PUNTLAND POST