
Wasiirka Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Duraan Axmed Faarax ayaa kulan la qaatay Safiirka dowladda Kenya u fadhiya Soomaaliya Danjire Lucas Tumbo oo Xafiiskiisa ku booqday.
Kulanka oo looga hadlay dhowr arrimood oo muhiim ah isku socodka dadka ee labada ayaa diirada lagu saaray siyaabaha kor loogu qaadi karo iskaashiga Kenya iyo Soomaaliya ee dhinacyada horumarinta duulimaadyada iyo isku socodka dadka labada dal.
Labada mas’uul ayaa hoosta ka xariiqay muhiimada ay leedahay in la ballaariyo wada shaqeynta ka dhaxeysa labada dowladood si loo dhowro sharafta iyo madax banaanida labada dal.
Kulanka ayaa ku soo beegmay xilli diyaaradaha dagaalka Kenya dad rayid ah ku duqeeyeen degaanno ka tirsan Gobolka Gedo islamarkaana aysan jirin weli cid ka hadashay.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.