Diyaaradaha dagaalka Kenya oo saaka duqaymo culus ka fuliyay Gobolka Gedo

Diyaaradaha dagaalka dowladda Kenya ayaa saaka oo Arbaco ah duqaymo culus ka fuliyay tuulooyin iyo dhul miyi ah oo ka tirsan degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo.

Wararku waxay sheegayaan in khasaare kala duwan ka dhashay duqaymahan inkastoo aan weli faahfaahin sugan laga helin.

Dowladda Kenya ayaa todobaadkan duqaymo dhawr ah ka fulisay Gobolka Gedo gaar ahaanna miyiga degmada Ceelwaaq kuwaas oo khasaare u gaystay dadka Rayidka ah.

Dowladda Soomaaliya weli kama hadlin duqaymaha ka dhacay Gobolkaas oo Kenya sheegtay in lagu beegsaday Al-shabaab.

PUNTLAND POST