
Kursiga 1aad ee xildhibaannada Aqalka Sare ee ka imanaya gobolada Waqooyi (Somaliland) ayaa waxaa ku guuleystay Cabdi Xaashi Cabdullaahi.
Cabdi Xaashi ayaa helay 44 cod cod gacan taag ah, kadib markii uu tanaasulay musharaxii la tartamayay oo ahaa Saciid Cumar Xuseen.
Dhanka kale Saalax Axmed Jaamac wasiirka Dastuurka XFS ayaa ku guuleystay kursiga 2aad ee xildhibaannada Aqalka Sare ee ka imanaya gobolada Somaliland.
Saalax ayaa la tartamay Ibraahim IIdle Suleymaan guddoomiyii hore ee Maxkamadda sare ee dalka, wuxuuna kaga guuleystay 29 cod, halka Ibraahim Iidle Suleymaan helay 12 cod.
Weli waxaa socota doorashada Aqalka Sare gobolada Waqooyi (Somaliland).
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.