Safiirka cusub ee Soomaaliya u magacowday Tanzania Sahra Cali Xasan, ayaa warqadaheeda aqoonsiga danjirannimo ku wareejisay Madaxweynaha dalkaasi Samia Suluhu Hassan, kadib munaasabad lagu qabtay Aqalka Madaxtooyada oo ku yaalla Caasimadda Dodoma.
Intii lagu gudo jiray munaasabadda waqad gudbinta, waxa ay Danjire Sahra Xasan la wadaagtay Madaxweynaha Tanzania fariin salaan ah oo ay ka siday Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo.
Safiirka Soomaaliya ayaa adkaysay sida ay uga go’an tahay inay hore u sii wado xoojinta xiriirka iyo iskaashiga laba geesoodka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Tanzania si horumar iyo barwaaqo u gaaraan labada dal iyo labada dad ee saaxiibada ah.
Dhankeeda, Madaxweynaha Tanzania, Samia Suluhu, waxa ay soo dhoweysay Safiiradda cusub ee Soomaaliya, iyadoo u rajaysay in ay ku guuleysato howlaha loo igmaday si ay u xoojiso xiriirka taariikhiga ah ee qotada dheer.