Taliye ka tirsan Somaliland oo ku dhintay dagaal ka dhacay Gobolka Sool

Wararka ka imaanaya degmada Xuddun ee Gobolka Sool ayaa sheegaya in halkaas dagaal ku dhexmaray ciidamada Somaliland iyo Cabtooy hubaysan.

Dagaalka oo ka dhacay inta u dhexaysa Xuddun iyo Awrboogays oo ka wada-tirsan Gobolka Sool ayaa waxa ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac isu’gu jira.

Inta la xaqiijiyay waxa dagaalkaas ku dhintay Taliyihii ciidamada Somaliland ee degmada Xuddun waxaana ku dhaawacmay in ka badan lix ruux oo kale.

PUNTLAND POST