
Majaajilaystihii caanka ahaa ee Soomaaliyeed Cabdi Muridi Dheere oo loo garan-ogaa Ajakis ayaa maanta ku geeriyooday magaalada Muqdisho.
Marxuumka Ajakis ayaa maalmahii la soo dhaafay ku jiray mid kamid ah isbitaalada Muqdisho, halkaas oo lagula tacaalayay xaaladdiisa caafimaad, kadib xanuun ku soo booday isagoo ku sugan xaafadiisa.
Alle ha u naxariistee Cabdi Muridi Dheere (Ajakis) ayaa caan ku ahaa jiliinka iyo madadaalada, wuxuuna hadda ka mid ahaa hawl-wadeenada Tv-ga Universal.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ka tacsiyeeyay geerida marxuum Ajakis.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.