Wararka ka imaanaya Gobolka Lamu ee waddanka Kenya, ayaa sheegaya in halkaas qarax culus lagula eegtay ciidamo ka tirsan Kenya.
Qaraxa oo lagu tilmaamay miino dhulka la sii geliyay ,ayaa qabsaday kolonyo ka tirsan ciidamada dowladda Kenya, xilli ay marayeen inta u dhexaysa degaannada Kayunga iyo Shangani ee Gobolka Lamu.
Wararku waxay sheegayan, in qaraxaas ay ku dhinteen in ka badan 15 askari oo ka tirsan Ciidamada Kenya.
Al-shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarka, balse dowladda Kenya weli kama hadlin dhacdadaas.
PUNTLAND POST