Xiisad dagaal oo ka taagan degaan ka tirsan Gobolka Galgaduud

Xiisad dagaal iyo hub urursi u dhexeeya laba beelood, ayaa saaka ka aloosan degaanka Xananbuurre oo ka tirsan Gobolka Galgaduud.

Labada beelood oo muddooyinkii u dambeeyay colaad ka dhex taagnayd, ayaa shalay dagaal ku dhexmaray degaankaas, waxaana weli labada dhinac isku hor-fadhiyaan goobihii dagaalka.

Labada dhinac ayaa waxa soo gaaray gurmad xoogleh, waxaana laga cabsi qabaa in ay mar kale ku dagaaallaman degaanka.

Dhaqdhaqaaqan ciidan ayaa socda, iydoo aysan jirin wax waan-waan ah oo laga dhex wado dhinacyada is hor-fadhiya sida ay sheegayaan weriyaasha Gobolka Galgaduud.

PUNTLAND POST