Taalibaan oo wiishash suray maydadka dad ay laayeen

Kooxda Taalibaan ayaa barxad ku taal magaalada Herat ee waddanka Afghanistan ku soo bandhigay maydadka dad ay laayeen oo wiishash suran kadib markii dadkaas lagu eedeeyay af-duub.

Saraakiisha Taalibaan ayaa markii hore afar mayd keenay barxadda magaalada galbeedka ah ee Herat, kadibna saddex ka mid ah meydadkaas u wareejiyay qeybaha kale ee magaalada si loogu soo bandhigo dadweynaha.

Saraakiisha Taalibaan ayaa ku dhawaaqay in afartan qof la qabtay iyagoo ka qeyb qaadanaya falal afduub ah horraantii Sabtida waxaana dilay booliska Taalibaan.

PUNTLAND POST