Dhammaan goobaha ganacsiga degmada Wajeer ee Gobolka waqooyi bari waddanka Kenya ayaa maalintii saddexaad xiran kadib markii ganacsatadu ka carootay badeecado u rarnaa oo Booliska Kenya dab qabad-siiyay.
Xubin ka tirsan guddiga ganacsatada degmada Wajeer ayaa warbaahinta u sheegay in ay go’aan ku gaareen in aysan furin xarumahooda ganacsiga inta laga xallinayo dhibaatada ay Booliiska Kenya ku hayaan.
Ganacsatada ayaa sheegay in marar kala duwan ay cabasho ka gudbiyeen hab-dhaqanka Booliiska balse waxba laga qaban waayay.
PUNTLAND POST