
Madaxtooyada Soomaaliya ayaa shaacisay in maata Fahad Yaasiin Xaaji Daahir uu la waareegay xilkii la-taliyaha amniga madaxweyne Farmaajo.
Cabdirashiid Maxamed Xaashi Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ku sheegay “Lataliyaha cusub ee Amniga Qaranka Mudane Fahad Yaasiin ayaa munaasabad ku qabsoomtay Madaxtooyada Qaranka waxa uu xilka kala wareegay Lataliyihii Hore ee Amniga Qaranka Mudane Cabdisiciid Muuse Cali”.
“Lataliyaha Amniga Qaranku waxa uu uga mahadceliyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda magacaabistan, waxa uuna xusay sida ay uga go’an tahay horumarinta Amniga Qaranka” ayuu qoraalka ku daray.
Golaha Midowga Murashixiinta ayaa maanta madaxweyne Farmaajo iyo Fahad Yaasiin ku eedeeyay in ay maleegayaan dhaqdhaqaaq ciidan iyo shirqool lagu carqaladaynayo arrimaha doorashooyinka.
8-dii bisha ayaa Madaxweynaha Soomaaliya Maxmed Cabdulaahi Farmaajo Fahad Yaasiin Xaaji Daahir u magacaabay La-taliyaha Amniga Qaranka, kadib markii la sheegay in uu iska casilay agaasimihii NISA.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.