Xubno ka tirsan Al-shabaab iyo Daacish oo lagu qabtay Boosaaso

Cutubka la-dagaallanka Argagixisada u qaabilsan ciidanka PMPF ee Puntland ayaa saacadihii la soo dhaafay magaalada Boosaaso ku qabtay xubno ka tirsan Al-shabaab iyo Daacish.

War qoraal ah oo ka soo baxay PMPF ayaa lagu sheegay in hawlgalkaas qorshaysan lagu bar-tilmaameedsaday xubno ka tirsan Al-shabaab iyo Daacish inkastoo aan tiradooda la xusin.

“Ciidamada Ilaalada Badda iyo Beriga Puntland ee PMPF ayaa hawlgallo qorshaysan oo lagu bartilmaameedsanayo kooxaha Argagixisada ah ee Al-Shabaab iyo Daacish ka fuliyey magaalada Boosaaso.

PMPF ayaa sidoo kale sheegay in ay sii wadi doonaan hawlgallada qorshaysan ee lagu beegsanayo kooxaha Al-shabaab iyo Daacish.

PUNTLAND POST