Khilaaf xooggan oo ka dhex qarxay madaxda Hirshabeelle

Khilaaf xooggan ayaa la xaqiijiyay in uu  ka dhex qarxay madaxweynaha Hirshabeelle, Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe iyo ku xigeenkiisa, Yuusuf Axmed Hagar (Daba-geed).

Khilaafka ayaa ka dhashay, kadib markii madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Daba-geed, uu dalbaday in kursi kamid ah Aqalka sare loo xiro shakhsi isagu wato, taas oo uu si adag u diiday Cali guudlaawe.

Wararku waxay sheegayaan, in Yuusuf Daba-geed ku hanjabay in wax doorasho la yiraahdo aysan ka dhici doonin Hirshabeelle, haddii aan loo fulin dalabkiis, islamarkaana khilaafkaas uu dhaliyay xiisad siyaasadeed.

Arrintan ayaa saamayn ku yeelatay dhammaystirka doorashada Aqalka sare ee maamulka Hirshabeelle, taas oo la filayay in la geba-gabeeyo kuraasta aan weli la dooran ee xubnaha ka imaanaya Hirshabeelle.

PUNTLAND POST