Xasan Abgaal oo ka walaacsan xaalada urur siyaasadeedka KAAH

Warar madax-bannaan ayaa xaqiijinaya, in wasiirka Maaliyadda Puntland Xasan Abgaal, uu cabsi xooggan ka qabo in urur siyaasadeedka KAAH looga guulaysto doorashooyinka hordhaca ah ee golayaasha degaanka.

Wasiir Abgaal, ayaa muddooyinkii dambe isku sawirayay barnaamijyada lagu fulinayo Canshuurta dadweynaha, gaar ahaana dib u-dayactirka waddooyinka, isago u isticmaalaya ololaha

urur siyaasadeedka KAAH.

Sidoo kale, wuxu jawaab kulul ka bixiyay dhaliilo kala duwan oo loo jeediyay urur Siyaasadeedka xukuumadda ee KAAH, kuwaas oo uu ku tilmaamay been-abuur.

Ururada siyaasadda Puntland ayaa wakhtigan ku jira ololaha doorashooyinka hordhaca ah ee dowladaha hoose oo dhowaan laga qaban doono saddexda degmo ee Qardho, Eyl iyo Ufayn.

PUNTLAND POST