Xukuumadda Somaliland ayaa Beesha Caalamka ku wargelisay in aysan qayb ka-ahayn arrimaha doorashooyinka dowladda Federaalka Soomaaliya.
Somaliland ayaa uga digtay mas’uuliyiinta iyo siyaasiyiinta Soomaaliya in ay magaca Somaliland u adeegsadaan doorashooyinka ka socda magaalada Muqdisho ee heer Federaal.
War-saxaafadeed ka soo baxay Somaliland ayaa lagu sheegay in aysan marnaba aqbali karin in lagu daro arrimaha doorashooyinka Soomaaliya.

PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.