Maraykanka oo heshiis ugu baaqay dhinacyada ku dagaalamaya waqooyiga Itoobiya

Dowladda Mareykanka ayaa ku boorineysa dowladda Itoobiya, jabhadda TPLF, iyo kooxaha kale ee dagaallamaya inay soo afjaraan colaadda ka taagan gobolka Tigreega ee woqooyiga Itoobiya, ayna oggolaadaan in gargaarka bani’aadamnimo uu gaaro malaayiin dad ah oou baahan gargaarkaas.

Haddii khilaafku joogsan waayo, ayay dowladda Mareykanku sheegtay in mas’uuliyiinta muhiimka ah ee dowladda iyo TPLF ay la kulmi karaan cunaqabatayn xagga socdaalka iyo maaliyadda Mareykanka ah.

Siihayaha kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibada ee bariga Africa Bryan Hunt, ayaa sheegay in dowladda Mareykanka ay doonayso in la soo afjaro colaadda 10-ka bilood ka socotay Tigray.

Hunter, wuxuu sheegay in dhammaan dadaalladii kale ee lagu cadaadin lahaa dhinacyada dagaalku ka dhexeeyo sidii si nabad ah loogu dhammeyn lahaa dagaalkan ay fashilmeen, taasina ay keentay hanjabaada cunaqabateynta ee uu saxiixay madaxweyne Joe Biden Jimcihii.

PUNTLAND POST