Guddiga doorashada gobollada waqooyi ee Somaliland, ayaa xalay shaaciyay jadwalka doorashada xubnaha Aqalka sare ee laga soo doorto Somaliland.
Sida ku cad jadwalkaas, Khamiista todobaadkan oo ku beegan 23-ka September 2021, waxa bilaaban doona diiwaan-gelinta iyo shahaada-siinta musharrixiinta u tartamaya kuraasta Aqalka sare ee laga soo doorto Somaliland.
Sabtida 25-ka September 2021, waxa la dhammaystiri doonaa diiwaan-gelinta iyo shahaada-siinta musharrixiinta Aqalka sare, halka maalinta Axadda ah oo ku beegan 26-ka September la tababari doono ergada wax dooranaysa, iyadoo Isniintana la dhedaysan doono hadal-jeedinta musharrixiintaas.
Ugu dambayn, 28 ilaa 30-ka September waxa dhacaysa doorashada xubnaha Aqalka sare ee laga soo doorto gobollada waqooyi ee Somaliland, sida ku cad jadwalkaas.

PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.