
Wasaaradda Amniga Puntland iyo madax ka socota Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ee (UNSOM), ayaa shir gaar ah ku yeeshay xarunta wasaaradda ee caasimadda Garoowe.
Shirka waxa ka qayb-galay Wasiirka Puntland, oo ay wehliyaan Wasiir xigeenada Wasaaradda iyo Agaasimaha Guud. Sidoo kale wefdiga UNSOM waxaa hogaaminayay Marco oo ah hogaanka ROLS-UNSOM.
Shirka ayaa lagaga hadlay dardargelinta Barnaamijka Amniga Doorashooyinka, u diyaar garowga mashruuca JPP – wajiga labaad iyo siday labada dhinac oga wada shaqayn lahayeen mashaariicda hormarinta ee Puntland.
War ay soo saartay wasaaradda Amniga Puntland ayaa lagu sheegay, in Shirkaas kusoo dhamaaday is afgarad iyo natiijo wax ku ool ah.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.