Galmudug oo maamul cusub u magacowday degmada Caabudwaaq

Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa Maamul cusub u magacaabay degmada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud, kadib xilka qaadis lagu sameeyay maamulkii hore.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug ayaa waxaa Guddoomiyaha cusub ee degmada Caabudwaaq loogu magacaabay inuu noqdo Faarax Cabdulle Xasan, halka Guddoomiye ku-xigeenka degmada laga dhigay Liiban Cabdi Cali.

Sidoo kale Cali Daahir Ciid ayaa Xoghayaha Caabudwaaq u magacaabay Faarax Cali Warsame, waxaana dhammaan Mas’uuliyiinta cusub ee la magacaabayla faray inay si toos ah u gutaan waajibaadkooda shaqo ee laga rabo.

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug ayaa waxaa kaloo hay’addaha amniga Maamulka ku amray inay la shaqeeyaan Guddoomiyaha Caabudwaaq, ku-xigeenkiisa iyo Xoghayaha, si loo dardar-geliyo shaqada degmada.

Gal

PUNTLAND POST